Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Putin Oo Saxeexay Sharci Uu Ruushku Ku Goostay Afar Gobol Oo Ukraine Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa maanta saxeexay sharci baarlaman oo Ruushka uu ku goostay dalkiisana ugu darsaday afar gobol oo ka tirsan Ukraine, sida ku cad dokumenti dowladeed.

Gobollada Donetsk, Lugansk, Kherson iyo Zaporizhzhia “ayaa waxaa laga aqbalay inay ku biiraan federaalka Ruushka si waafaqsan dastuurka federaalka Ruushka,” ayaa lagu yidhi dokumentiga.

Putin ayaa sidoo kale saxeexay dikreeto uu si rasmi ah ugu magacaabay madaxda Moscow ay taageerto ee afartaas gobol, si ay u noqdaan sii-hayayaasha xilalkaas.

Goor sii horreysay, sharciga ku darsashada ayaa waxaa si aqlabiyad leh u ansixiyey labada aqal, hoose iyo sare, ee baarlamanka Ruushka.

Madaxweyne Putin ayaa Jimcadii tagtay guddoomiyey xaflad weyn oo ka dhacday Kremlin ka, taasi oo intii ay socotay uu afarta hoggaamiye ee Moscow ay gaysay gobolladaas uu kula saxiixday heshiis ay qeyb uga noqonayaan federaalka Ruushka, inkasta oo ay aad u cambaareeyeen Kyiv iyo xulufadeeda Reer Galbeedka.

Afarta gobol ayaa abuuraya marin muhiim ah oo u dhaxeeya Ruushka iyo jasiirad u yaalka Crimea oo Moscow ay goosatay 2014.

Marka la isku geeyo, shanta gobol ayaa ah 20 boqolkiiba dhulka Ukraine.

Hase yeeshee ciidamada Ruushka si buuxda uma maamulaan Kherson iyo Zaporizhzhia, islamarkaana Kremlin-ka weli ma xaqiijin meelaha ka midka ah gobolladaas ee la goostay.

AFP

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this