Deeq A. Posted October 5, 2022 Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ee uu fadhigoodu yahay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sameeyay howlgallo amniga lagu xaqiijinayay, kaas oo lagu soo saaray miinooyon dowr ah. Saraakiil katirsan Ciidamada Daraawiishta ayaa sheegay in ay fashliyeen Qarax ay Al-Shabaab u maleegayeen inay ku dhibaateeyaan dadka rayidka ah ee ku ganacsada Suuqa xoolaha degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose. Ciidamada ayaa qaraxaas goob fagaaro ku qarxiyay, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in xog ay ka heleen dadka Shacabka ah ay kusoo saareen miinada. Saraakiisha ayaa Shacabka faray inay la shaqeeyaan Laamaha ammaanka si looga hortago weerarada iyo qaraxyada ay qorsheeynayaan Ururka Al-Shabaab si looga badbaadiyo shacabka. PUNTLAND POST The post Ciidamada Jubaland oo fashiliyay qarax miino appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites