Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiilka Madaxweynaha Uganda Oo La Dallacsiiyay Kadib Markii Uu Ku Hanjabay In Muddo Yar Uu Ku Qabsan Doono KENYA

Recommended Posts

Deeq A.   

Wiilka madaxweynaha Uganda oo General loo dallacsiiyay kadib markii uu ku hanjabay in muddo yar uu ku qabsan doono Kenya

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Muhoozi Kainerugaba, ayaa loo dalacsiiyay Jeneraal, sida uu salaasadii ku dhawaaqay afhayeenka ciidammada Uganda.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa maalin kadib markii Kainerugaba uu soo dhigay qoraalo dhowr ah oo uu kaga hadlay duullaanka uu ku qaaday dalka Talyaaniga iyo dalka Kenya ee deriska la ah. Waxa uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ciidammada dhulka ee dalkiisa ay ku qabsan karaan magaalada Nairobi laba toddobaad gudahood, hadalkaas oo ka cadhaysiiyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Uganda iyo dad badan oo Kenyan ah.

Wasaaradda arrimaha dibada Uganda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay iskaga fogeysay hadalkaasi.

Kainerugaba ayaa loo arkaa inuu yahay ninka bedeli kara madaxweyne Museveni oo 78 jir ah, oo dalka Uganda xukumayay in ka badan 35 sanno.

Kainerugaba, oo hore u ahaa gaashaanle, ayaa laga qaaday xilkii taliyaha ciidammada dhulka ee Uganda kadib markii la dalacsiiyay, laakiin waxa uu sii wadan doonaa shaqadiisa la taliyaha sare ee madaxweynaha ee hawlgallada gaarka ah.

Kainerugaba oo 48 jir ah ayaan waligiis caddeyn inuu doonayo inuu aabihiis kala wareego madaxweynaha wadanka ku yaal bariga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, isagoo u dabaaldegaya dhalashadiisa bishii Abril, wuxuu ka hadlay ku guuleysiga awoodda dalkaass, wuxuuna sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono barnaamijkiisa siyaasadeed.

Siyaasiyiinta iyo kooxaha mucaaradka Uganda ayaa Museveni ku eedeeyay inuu wiilkiisa u diyaariyay si uu xilka ugala wareegoo marka uu isagu ka dego.

Museveni ayaa Uganda xukumayay tan iyo 1986-kii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this