Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Soomaali Ah Oo Kaalinta Labaad Ka Galay Tartanka Qur’aanka Kariimka Oo Lagu Qabtey Dalka Turkiye

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Wiil Soomaali ah ayaa kaalinta labaad ka galay tartanka qur’aanka kariimka ee lagu qabtay dalka Turkiye. Wiilkan ayaa lagu magacabaa Cabdiwahaab Qaasim Axmed waxaana uu ku tartamey 30 jis ee qur’aanku ka kooban yahay.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda federaaliga ah ayaa hambalyo iyo bogaadin udirtay Cabdiwahaab Qaasim oo dalka Soomaaliya ku matalay Tartanka Qur’aanka kariimka caalamiga ah ee Turkiye.

Tartankan ayaa soo billaamay dhammaadkii bishii hore waxaana lagu qabtey magaalada Konya ee bariga dalka Turkey.

Qaari Cabdiwahaab ayaa hore tartamo kale kaga qayb galay waana 25 jir.

Waxaana lagu abaal mariyay xaflad ka dhacday magaalada Ankara, waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Turkiye Recep Tayyip Erdogan.

Dhaliyarada Soomaalida ah ayaa door muhim ah ka qaata tartanada qur’aanka kariimka, waxaana ay gullo la taaban karo ka soo hoyeen tartano meelo kala duwan ka dhacay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this