Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha dabkii ka kacay Kismaayo + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab geystay khasaare hantiyeed oo xalay ka kacay suuqa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dabka ayaa ka kacay qaybta shidaalka ee suuqa Kismaayo, waxaana ku bas beelay goobo ganacsi oo aad u fara badan, sida ay sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada suuqa.

Waxaa nagu dhacday Musiibo Dab ah oo abaaro 9kii Fiidnimo ka kacay Suuqa Kismaayo gaar ahaan qaybta shidaalka, illaa 7 bakhaar ayaa gubatay, Maamulka Kismaayo ayaa soo gurmaday oo kaalin wayn ka qaadatay” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Kismaayo.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay dhacdadan ayaa u tacsiyeeyey ganacsatada reer Kismaayo, gaar ahaan kuwa uu khasaaraha ka soo gaaray dabka, isaga oo shaaciyey in ka maamul ahaan ay xanuunka la qaybsanayaan.

“Waxa aan xanuunka iyo dhibka la wadaagayaa ganacsatada ay hantidoodu ku gubatay dabkii ka kacay suuqa Kismaayo kuna fiday goobaha ganacsi, musiibada dabku waa mid kamid ah arrimaha nooga wada baahan maareynta” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Dhankiisa ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo war qoraal ah soo saaray ayaa u rajeeyey ganasatada Kismaayo beddel khayr qaba.

Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa dadka shacabka ah ee hantidooda ku wayay musiibada caawa ka dhacday suuqa ugu weyn ee Magaalada Kismaayo, Waxaana Alle uga baryayaa inuu badal khayr qaba ka siiyo hantida ay ku wayeen dabkaas. Waxaa Alle mahadii ah in lagu guuleystay daminta dabka iyada oo aaney jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabka ayaa lagu  yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Gubashada suuqa Kismaayo ayaa qayb ka noqoneyso dhibaatooyinka soo noq-noqday ee ay la kulmaan ganacsatada Soomaaliyeed, ayada oo marar badan ay gubteen suuqyada waa weyn ee ku yaalla gudaha dalka.

309610027_2680118582122064_3640048425218 310319640_2680126045454651_8124828432535 309805886_2680118728788716_8939592067312 309633222_2680118692122053_7538919341922 309857355_2680126142121308_1102962961501

The post Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha dabkii ka kacay Kismaayo + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this