Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaliya iyo Ingiriiska oo ka wada-hadlay iskaashiga horumarinta adeegyada duulista Hawada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1664945852562.jpg

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa la kulantay agaasimaha Guud ee hay’adda Duulista Rayidka ee Dalka Ingiriiska , Dr. Rannia Leontaridi.

Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga adeegyada Duulista Hawada iyo horumarinta wadaaga khibrada iyo tababarada , iyadoo diiradda la saarayo kor u qaadista hannaanka maamulka iyo adeegga ee Duulista Hawada Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulanka ku sheegtay inuu qeyb ka yahay qorshaha lagu ballaarinayo iskaashiga caalamka , si nidaamka Hawada sare ee Dalka uu u muujiyo doorkiisa dunidda.

“ Dalkeenna maanta wuxuu jooga halkii uu uga mid noqon lahaa waddamada leh hawada adeegyadeeda iyo maamulkeeda la isku haleyn karo , annagoo ka faa’iideysanayna sida ay hawadeena u tahay goob istiraatiji ah.” Wasiir Fardowsa ayaa sidaa sheegtay.

Agaasimaha Guud ee hay’adda Duulista Rayidka ee Dalka Ingiriiska , Dr. Rannia Leontaridi ayaa dhankeeda boggaadisay horumarrada Soomaaliya ee Duulista Hawada , iyadoo marka xaqiijisay sida ay uga go’antahay inay xoojiyaan doorkooda iskaashiga iyo taageerro ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post Soomaliya iyo Ingiriiska oo ka wada-hadlay iskaashiga horumarinta adeegyada duulista Hawada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this