Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo si adag u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
732063_0.jpg

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si adag u cambaareeyay qaraxyadii khasaaraha ba’an dhaliyay ee Al-shabaab ku qaadday magaalada Beledweyne.

Afhayeenka Xoghayaha guud Stethane Dujarric ayaa sheegay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay  qaraxyadaas iyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay Qaramada Midoobay in ay la shaqeyso hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee caalamiga ah si ay u taageeraan dadka iyo dowladda Soomaaliya ee uu jiheystay dhismaha dal nabad ah.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Hirshabeelle ayaa ku dhintay qaraxyadaas oo ismiidaamin ahaa loona adeegsaday baabuur qaraxyo sidday islamarkaana lagu weeraray xarunta Lama-galaay ee magaalada Beledweyne.

PUNTLAND POST

The post Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo si adag u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this