Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Sharif Xasan stole is stealing funds donated to Somalia

Recommended Posts

" Lacagihii dawladda oo dhan Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa si gaar ah u isticmaalaya" Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

13. september 2009 

 

Print This Article  | Daabaco warkaan

Muqdisho(AllPuntland )- Xildhibaanada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa shalay ku qabsaday magaalada Muqdisho shir Jaraa'id ayaa cambaareyn iyo dhaliila dusha kaga tuuray Wasiirka Maaliyada ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden, taasoo ku aadan halka uu galiyo dhaqaalaha usoo xarooda dawladda Soomaaliya.

 

Xildhibaanadan ayaa ku sheegay Shariif Xasan in uu lacagahaasi u isticmaalo si khaas ah, isla markaasna uu ku shubto Bankiyada Soomaalida iyo kuwa aduunka, ayagoo ugu baaqay Madaxda dawladda Soomaaliya in ay eegaan xaaladaha ay soo jeedinayaan Xildhibaanadu.

 

Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa Wasaarada maaliyada loo dhiibay, markii lasoo dhisay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, luguna unkay magaalada Jabuuti, wixii ka dambeeyey xiligasi waxaa la xaqiijiyey in aysan jirin wax lacag ah oo ay heleen dadka ushaqeeya dawladda Soomaaliya.

 

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in ay doonayaan in ay arkaan talaabo laga qaadayo Shariif Xasan Sheekh Aaden, oo ay sheegeen in uu gaar u lunsaday hantidii dawladda Faderaalka KMG ah, isla markaasna uu mudan yahay in ay la xisaabtamaan Madaxda dawladda iyo Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

 

Arrintan waxaa shakifay markii ay shalay weerar ku qaadeen ciidamo ka careysan mushaar la'aan, xarunta Madaxtooyada ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, taasoo waji gabax ku noqotey dawladda Soomaaliya oo malaayiin Doolar ka hesha dalalka Caalamka.

 

DF dhaqaalihii ugu xooga badnaa ayaa soo galay Bilihii ugu dambeeey, waxaana aan la garan karin halka la geeyey dhaqaalahaasi oo ay dad badan hada is weydiinayaan, Lacag loogu talagalay ciidamada dawladda Soomaaliya iyo howlgalintooda ayaan la garan karin halka ay ka baxday, ayadoo goor horeba gashay isku tuur-tuur Madaxda dawladda Soomaaliya dhexdooda ah.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

quote:

Kulan ugu qabsoomay magaalada Muqdisho qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay kaga hadleen sababta keenta inmarkasta ciidamada dowladda ay gadood sameeyaan.

 

Xildhibaanadani ayaa waxa ay sheegeen in arrintani ay sabab u tahay kadib markii Wasaaradda Maaliyadda ay bixin weysay lacagtii ay xaqa u lahaayeen in lasiiyo ciidamada dowladda oo ay jeebka isaga ceshatay.

 

Xildhbaan Maxamed Caateeye oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka ayaa sheegay in dhibaatada halka ay ka taagan tahay ay tahay dhinaca maaliyadda.

 

Isaga oo u hadlayay xildhibaannada kulanka yeeshay ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda wasiirkeeda uu isaga dhegan yahay lacagta isla markaasina ay keentay arrintaasi in ciidamada dowladda ay mushaar la’aan noqdaan oo gadood ay sameeyaan.

 

Wasaaradda Maaliyadda ayay ka codsadeen xildhibaannada in si deg deg ah ay arrintani wax uga qabato isla markaasina ciidamada mar waliba gadoodka sameynayo ee mushaar la’aanta la cabanayana si deg deg ah wax looga qabto.

 

Xilliga xildhibaadani ay eEedeynta soo jeedinayaan ayaa imaaneysa xilli maanta ciidamo katirsan dowladda ay gadood ka sameeyeen xarunta madaxtooyada iyaga oo albaabada laga galo madaxtooyada u xirtay mushaar la’aan soo wajahday xittaa sababtay in israsaaseyntooda hal askari oo mushaar doon ah uu ku geeriyoodo halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir balaaran oo ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka soomaaliya ayay eedeyn balaran u jeediyeen wasaaradda Maaliyadda Dowladda KMG ah Soomaaliya.

 

Xildhibaanada ayaa wasaaradda Maaliyada ku eedeeyay inay lunsadeen Mushaaraadkii la siin lahaa Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxayna sheegeen in wasiirka Maaliyadda ay jeebkiisa ku jirto lacagihii Dowladda.

 

Mid ka mid ah  xilidhibaanadii kulankaasi ka qaybgalay oo lagu magacaabo Xildhibaan Max’ed Caateeye Fariid ayaa saxaafadda u sheegay in wasiirka lacagta Mushaaraadka Ciidamada ee uu jeebka ku haysto ayaa  keentay in ay maanta ciidamadaasi weeraraan xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

 

“Waa mid mudan in laga xumaado in Ciidamada Dowladda oo gadood ah ay rasaas ju furaan  Guriga R/wasaaraha iyo Kan Madaxweynaha, iyadoo ciidamadasi ay tabanaayaan Mushaaraadkooda oo aan weli helin” ayuu yiri Xildhibaan Max’ed Caateeye Fariid  oo sheegay in Dowladda looga baahan yahay inay arrintaasi wax ka qabato.

 

Dhanka kale Xildhibaanda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in la sameeyo ciidamadii Qaranka Soomaaliyeed, islamarkaana Ciidamada sida ugu dhaqsiyaha badan loo siiyaa xuquuqdooda ee ay lahaayeen.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this