Deeq A. Posted October 4, 2022 Dab xoogan ayaa caawa saqdii dhexe ka kacay suuqa shidaalka ee magaalada Kismaayo, kaas oo geystay khasaare hantiyeed. Weli lama sheegin khasaare nafeed oo geystay dabkaas, waxaana socda gurmad lagu doonayo in lagu damiyo, iyadoo uu aad u yar yahay gaadiidka iyo shaqaalaha dab-demiska. Maamulka Dowladda Hoose ee dagmada Kismaayo ayaa bulshada reer Kismaayo ka codsaday in loo soo gurmado dabka ka kacay suuqa shidaalka ee magaalada Kismaayo. PUNTLAND POST The post Dab ka kacay suuqa Kismaayo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites