Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiweli Gaas oo ka digay in Puntland dagaal sokeeye la geliyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in Puntland hal mar ay mudda kororsi soo martay, markaasna uu ka dhacay dagaal sokeeye.

“Puntland ku darsasho mar bay soo martay, 2001-dii bay hayd, Cabdullaahi Yuusuf baa sameeyay, wixii ka dhacay waa la ogaa civil war (dagaal sokeeye) bay abuurtay” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Puntland.

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa kamid noqday siyaasiyiinta sida weyn uga digaya in Puntland lagu dayo mudda kororsi, haddii taasi dhacdana ay horseedi doonto qalalaase siyaasadeed iyo amni-xumo baahsan.

Dhinaca kale, Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay in doorashooyinka golayaasha degaanka lagu qaban karo qof iyo cod, haddii ay dowladda ka go’antahay in ay hirgeliso doorashooyinkaas.

PUNTLAND POST

The post Cabdiweli Gaas oo ka digay in Puntland dagaal sokeeye la geliyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this