Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo beeleedyo xooggan oo ku ruqaansaday dhulka Al-shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellada dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada-Abgaal.jpg

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas ay ka baxeen ciidamo beeleedyo xooggan oo ku hubaysan noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka kuna wajahan dhulka ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellada dhexe.

Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo hoggaaminaya duullaanka ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwa loo diyaariyay in ay kooxaha Al-shabaab ka xoreeyaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellada dhexe.

Wararku waxay sheegayaan in degaannada Ciidamadan ku jihaysan yihiin ay kamid tahay degmada Aaden Yabaal oo ay Al-shabaab ku leeyihiin xarumo waaweyn oo ciidan iyo kuwa Caafimaad kana soo abaabulaan Qaraxyada iyo weerrada qorshaysan.

Duullaankan ayaa ku soo beegmay xilli uu Al-shabaab ku bilowday kacdoon hubaysan oo ay isaga xoraynayaan beelaha Soomaaliyeed oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo beeleedyo xooggan oo ku ruqaansaday dhulka Al-shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellada dhexe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this