Deeq A. Posted October 4, 2022 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiiro cusub oo dhowaan uu Madaxweynuhu magacaabay kuwaasi oo maanta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyay. Wasiirada cusub oo uu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka Gobolka Nugaal Cabdiqani Maxamed Nuur, ayaa kala ah Wasiirka WasaaraddaQorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun), Madaxweynaha ayaa Wasiirada cusub Alle uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday. PUNTLAND POST The post Wasiiro ka tirsan Puntland oo maanta xilka loo dhaariyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites