Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo awaamiir dul-dhigtay shirkadaha duullimaadyada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Diyaarad4.jpg

Dowladda Soomaaliya ayaa awaamiir dul-dhigtay dallada ay ku midaysan yihiin shirkadaha ka shaqeeya adeegyada duullimaadyada dalka.

Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya ayaa ku amartay dhammaan shirkadaha ka shaqeeya adeegyada duullimaadyada Soomaaliya in aysan nooc kasta oo macaamil ah la yeelan karin Al-shabaab.

Wasaaradda ayaa si gaar ah u xustay macaamilka dhanka dhaqaalaha iyo lacagaha la siiyo Al-shabaab oo sida ay sheegtay dhaqaalaha laga qaado ganacsatada uu moqday mid Al-shabaab dib ugu dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa go’aankaas ku dhawaaqay kadib markii uu maanta shir gaar ah la yeeshay dallada ay ku midaysan yihiin shirkadaha duullimaadyada dalka ee SATA.

Wasiirka ayaa u sheegay mas’uuliyiinta shirkadaha in arrintani ay tahay go’aan dawladdeed islamarkaana ciddii fulin wayda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo awaamiir dul-dhigtay shirkadaha duullimaadyada dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this