Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo codsi gaar ah u dirtay dalalka horumaray

Recommended Posts

Deeq A.   
Antonio-Guterres.jpg

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka codsaday dalalka horumaray in ay bixiyaan $100 bilyan oo dollar, taas oo lagu taageerayo wax-ka qabashada isbeddelka Cimilada dalalka soo koraya, ka hor shirweynaha dib u eegista cimilada ee bisha November ka dhacaya dalka Masar.

Wasiirada, khubarada cimilada iyo wakiillada bulshada rayidka ah ayaa toddobaadkan ku shiraya caasimadda dalka Congo ee Kinshasa, si ay u diyaariyaan ajandaha shirka bisha November ee loo yaqaano COP27, kaas oo ka dhici doona xeebta badda cas ee Sharma el-Sheikh. Shirkaas ayaa la filayaa inuu socdo inta u dhexeysa 6-da bisha illaa 18-ka bisha November.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dalalka horumaray ee ku bahoobay ururka G20 inay yihiin kuwa caalamka ku sii daaya qiiqa ugu badan, taas oo qiyaas ahaan noqonaysa 80% qiiqa dunida ee hawada lagu sii daayo. Iyada oo ay taasi jirto, ayay haddana ka gaabiyeen inay fuliyaan ballan-qaadkoodii ahaa inay bixiyaan illaa $100 bilyan oo wax lagaga qabto isbedelka cimilada.

Shirkii cimilada ee ka dhacay Paris sannadkii 2015 ayaa lagu sheegay, in marka la eego ballan-qaadyada iyo siyaasadaha haatan jira, inay soo xidhayaan albaabkii la doonayey in lagu xakameeyo heer kulka dunida, hase ahaatee Qaramada Midoobay ayaa ka digaysaa in ku guul-daraysiga yoolalkaasi inuu horseedi doono masiibo dhinaca cimilada adduunka ah.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo codsi gaar ah u dirtay dalalka horumaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this