Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada TPLF Oo Iskaga Baxay Gobolka Amxaarada Ee Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inay dagaal-yahanadooda kala baxeen qeybaha ay ka haysteen ee gobolka deriska la ah, si ay uga hortagaan weerar weyn oo ka socda waqooyiga.

Ciidammada dowladda taageera iyo kuwa Tigray-ga ee ay hoggaamiso kooxda TPLF ayaa dagaalkooda dib u billaabay dabayaaqadii August kadib shan bilood oo xabad joojin ah.

Dagaalkii ugu dambeeyey ayaa sidoo kale keenay in ciidammada Eritrea ay kusoo biiraan ayaga oo taageeraya kuwa federaalka Itoobiya iyo maleeshiyada taabacsan.

Mas’uuliyiinta Tigray ayaa goor dambe oo Axaddii shalay aheyd sheegay in kasoo saarista ciidammada ee qeybo ka mid ah gobolka Amxaara oo dhaca koonfurta gobolka Tigray ay lagama maarmaan u aheyd si looga hortaggo dagala kasii xoogeysanaya waqooyiga.

“Arrintan darteed, furinta koonfureed waxaan qeybo ka mid ah gobolka Amxaara ee aan hore u galnay kala soo baxnay ciidamadeena,” ayey ku yidhaahdeen bayaan ay soo saareen mas’uuliyiinta gobolka Tigary.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dib u daadgureynta ciidammada ay socotay saddex maalmood, islamarkaana dib looga laaban karo haddii weerar uu kaga yimaado furuntaas mar kale.

Sarkaal ka tirsan dowladda Amxaarada ayaa AFP u sheegay in mucaaradka TPLF ay ka baxeen qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka.

Dagaalka hadda socda ayaa dib u billaamay 24-kii August wuxuuna meesha ka saaray xabad-joojin jirtay illaa bishii March.

Dagaalka ayaa muddada labada sano ku dhow ee uu socdo waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaana laga diiwan geliyey xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo ay gaysteen dhammaan dhinacyada.

AFP

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this