Juje Posted January 16, 2009 Isku soo bax lagu soo dhaweynayo bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee gudaha Muqdisho oo maanta ka dhacay Garoonka kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho gudiga culumada u istaagay Xalinta Qilaafka Muqaawada oo saf ku jira sheekh Bashiir Axmed Salaad oo isna u mahad celinaya dadkii xoreeyay Magaalada Muqdisho Abwaan Bacadleeeeeeee ! oo erayo gabay ah ka jeedinaya halkii ay dadku isugu soo baxeen Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted January 16, 2009 Qaar ka tirsan bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa maanta salaadii duhurka kadib banaanbax ballaaran isugu soo baxay Ex. Garoonka Stadio Muqdisho, waxaana dadkii isu soo baxay la hadlay qaar ka tirsan culumaa?diin ka magaalada Muqdisho, madax ka tirsan golaha maxaakiimta & odayaasha dhaqanka beelaha dega Muqdisho. Isu soo baxan culumadii ka hadashay oo ay ka mid ahaayeen Sh.Bashiir Axmed Salaad & Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa khudbadahooda ku soo qaaday marxaladihii ay soo mareen dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho labadii sano ee ay ciidamada Itoobiya Muqdisho ku sugnaayeen, ee dagaalada ay kula jireen xooggaga muqaawimada, waxaana ka bixitaankii ciidamada Itoobiya ay aheyd guul ay si wada jir ah uga wada qeybaataan dhammaan qeybaha kala duwan ee shacabka, loona baahan yahay in fursada guushaasi aaney noqon mid la lumiya. Xalka keliya ee wadanku u baahan yahay maanta waa ku dhaqanka shareecada islaamka, mana jirto meel kale oo lagu badbaadi karo, culumaa?diinkuna marna raali kama noqon doonaan in Muqdisho xabbad kale ay ka dhacdo`` ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud, wuxuuna intaa raaciyey in dhibaatooyin dhinaca nolosha ay shacabka la soo gudboonaadeen muddadii ay dagaaladu socdeen. Waxaa Muqdisho hareeraheeda daadsan qoysas badan oo aanan maanta heli karin nolol maalmeed, dadkaasi waa in fursad la siiyaa oo laga shaqeeyaa sidii ay guryahooda ugu soo laaban lahaayeen`` ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud. Walaalaha mujaahidiinta ee dagaalkii muqaawimada ka qeybgalay waa in ay wada-hadlaan, oo aanan marnaba la marin habaabin jihaadka, si aaney halkaas uga soo bixin wax uu cadowgu ku farxo, waxaan ku kalsoonahay Idamka ALLE in Kitaabka & sunnadu na deeqo doonto, siduu ILLAAHEY u jideeyeyna aan isugu xukumi doono" ayuu yiri Sheekh C/qaadir Cali Cumar. Banaanbaxan ayaa ahaa mid dadkii ka soo qeybgalay ay si weyn ula qiireysnaayeen ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee magaalada Muqdisho, waxaana ay dadku ka dalbanayeen kooxaha ka tirsan muqaawimada ee weli ka taamaya in dagaaladu ay sii socdaan in ay taasi qalad tahay, loona baahan yahay in shacabka la siiyo fursad nabadeed. Look at the joy of those smiling and happy young faces..the future. This sort of gathering was not posasible since Yeey brought in the Tigres into Xamar. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 16, 2009 Dadka Muqdisho oo markii ugu horeysay maanta banaanbax isugu imaanaya kadib bixitaankii Ciidamada Itoobiya Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta markii ugu horeysay waxay isugu imaanayaan isu soo baxoodii ugu weynaa, iyadoo aaney is-karin muddo labo sanadood ah oo ay Muqdisho ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah. Banaanbaxan ayaa waxaa shaaciyay Shiikh Nuur Baruud Gurxan oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaano Soomaaliya, wuxuuna sheegay in isu soo baxaas uu yahay mid dadka Muqdisho ay isaga wareysanayaan isbedelka dhacay iyo tallaabta la qaadayo. Shiikh Nuur Baaruud waxaa uu sheegay in Banaanbaxan loogu magac-daray MAALINTA GUUSHA, wuxuuna dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay Salaadda Jimcaha kadib isugu yimaadaan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, halkaasi oo ay dhawaan ka baxeen Ciidamo Itoobiyaan ah. “Dadka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho waxaa waajib ku ah in ay Allaah uga mahad-naqaan guusha uu siiyay, isla markaana ay ugu towbad keenaan”ayuu yiri Shiikh Nuur Baaruud Gurxan. Dadka Muqdisho oo ay Ciidamada Itoobiyaanka kala dhumiyeen labo sano ka hor ayaa maanta kuwii ka badbaaday dagaalladii Muqdisho ka dhacay waxay isku arki doonaan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, iyadoo ay iska caddahay in ay halkaas isugu imaan doonaan dad badan oo ay waqti hore isugu damaneysey samatar said salah dhahar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thierry. Posted January 16, 2009 Now that the aggressors and the stooges are out of the picture its time for peace and unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted January 16, 2009 Halkan ka dhegeyso Sheikh Baruud Hadalka Maxamed Xasan Xaad Hadalka Abwaan Abshir Bacadle Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted January 16, 2009 Good show of display, Masha'alah great indeed, lets hope the Somali people will unite and bring about a lasting peace Insha'alah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted January 16, 2009 BBC Somali report on the event. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted January 16, 2009 Waa guul and they have a cause to celebrate! Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted January 16, 2009 ^^ You can say that again. For city folk, I think they've shown amazing resilience. Great images. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas Posted January 16, 2009 Alxamdulilah. May Allah grant them peace and unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted January 17, 2009 Xamar xorowdey, positive environment indeed, I am loving it. Xamar mar hadey qabowdo, inta kale neecaawdaa gaari. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted January 17, 2009 Rer Muqdisho waa dadka soomaali ugu samirka badan leh. Cajiib wallee. Intaa dhibaatada lagu hayey, hadana wajigooda wakaa iska furfuran. Ilaahay ayaa u gargaaray. Masha Allah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Malika Posted January 17, 2009 Alxamdulillah, its nice to see pictures of smilling kids, and optimistic elders! RESPECT to the men walking on the path of God, subhallah! We owe these men so much,they have held our chaotic country together by ways of charity, businesses,education etc.. May Allah be with them in this testing task of delivering peace!..Amiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites