Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Lagu Ansixiyay Kulanka Guddiga Joogtada ah Ee Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Aadan Madoobe ayaa waxaa uu Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ka dib markii uu xilka iska casilay Xog-hayihi hore ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa xog-hayaha cusub cod gacantaag ah ku ansixiyey.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xoghayahii hore Golaha Shacabka is casilaadiisa ka aqbalay isagoona sheegay in Cabdikariim Buux uu ahaa nin aqoon u leh shaqada Baarlamaanka islamarkaana taladiisa iyo waayo aragnimadiisa ku biiriyo Golaha Shacabka.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  ayaa xoghayaha cusub kula dardaarmay in uu dardar geliyo shaqada baaxada leh ee hortaala isla markaana looga baahan yahay in masuuliyada culus ee loo igmaday uu u guto si hufan oo daacadnimo ku jirto.
308969308_502533051913306_60589562379498
310004451_502533151913296_15415121795916
309548827_502533145246630_53006354454668
309202451_502533095246635_59413322814602
308116180_502533048579973_14702015454753
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this