Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ku dhintay qaraxyadii Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyey+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiin ku dhintay qaraxyadii Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyey+Sawirro

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo maanta gilgilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kuwaas oo ahaa ismiidaamiin, sida ay shaaciyeen laamaha amniga.

Qaraxyada oo ahaa labo ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari nooca xamuulka qaada, waxaana lagu weeraray xerada Lama Galaay oo ay ku taallo Madaxtooyada HirShabelle.

Ilo wareedyo kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa koowaad uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta, halka qaraxa labaad uu isna ka dhacay gudaha dhismaha la weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in dhimashada ay haatan gaadheyso illaa 10 qof oo isugu jiro mas’uuliyiin, askar iyo dad kale oo shacab ah.

Mas’uuliyiinta geeriyootay waxaa ka mid ah Wasiirkii Caafimaadka HirShabelle Dr. Zakariye Hurre iyo gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda Hiiraan Abuukar Maadeey, halka ay dhaawacyo soo gaareen taliyaha ciidamada Daraawiishta HirShabelle Axmed Dirir iyo guddoomiye ku xigeenka Maamulka & Maaliyadda degmada Matabaan Cabdikaafi Shire.

Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana socda tirakoobka khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaan oo sidoo kale geystay burbur xoogleh.

Weerarkan qaraxyada loo adeegsaday ee ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa ku soo aadayo, xilli Hiiraan ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Qaraxyada ka dhacay Beledweyne ayaa sidoo kale yimid saacada uun, kadib markii ay dowladda Soomaaliya shaacisay in howlgal ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe lagu dilay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ah aasaasayaashii Al-Shabaab.

310086944_6187013871327450_7543794015106 309579396_6187014007994103_2082830235824 309594001_6187013874660783_6376766974822 309927090_6187014021327435_5866438145236 Qaraxa-Baladweyne-1.jpg?resize=696%2C330

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this