Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse oo war ka soo saaray Qaraxyadii Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dad aan waxba galabsan lagu laayey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray in Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha kale ee dowladdu gurmad deg-deg ah u fidiyaan dhaawacyada ka dhashay qaraxa.

“Falkaan wuxuu caddeyn u yahay sida ay weli ugu ooman yihiin kooxaha nabadiidku daadinta dhiigga dadka Shacabka ah, waana mid ay rabaan in ay ku niyad jabiyaan dadka u istaagay dagaalkooda, dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee maalin walba ay daadinayaan ma’ahaan mid looga hari doono” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamse ayaa bulshada Soomaaliyeed waxa uu mar kale ugu baaqay inay xoojiyaan dagaalka lagu ciribtiraayo kooxahan xagjirka ah ee banneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii naftooda ku weeyey weerarkii maanta ka dhacay Beledweyne, waxuuna Allah uga baryey caafimaad deg-deg ah in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse oo war ka soo saaray Qaraxyadii Beledweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this