Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qaraxyo is-miidaamin ah oo o ka dhacay Beledwweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Wrar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo ismiidamain ah oo goordhow laga maqlay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa waxaana xigay rasaas, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada lagu bartilmaameedsaday xerada Lama Galaay oo ah halka ay ku taallo xarunta madaxtooyada maamulka HirShabelle, isla-markaana ay ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta sar sare ee maamulkaasi iyo sidoo kale kuwa gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay. sidoo kale khadka isgaarsiinta ayaa cuslaaday, kadib qaraxyadaas.

Wixii soo kordha kala soco: Caasimada.net.

The post DEG DEG: Qaraxyo is-miidaamin ah oo o ka dhacay Beledwweyne appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this