Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha ka dhashay qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
4.jpg

Khasaare baaxad weyn ayaa ka dhashay qaraxyo ismiidaamin ah oo saacado ka hor lagu weeraray Xerada Lama-galaay ee magaalada Beledweyne sida ay sheegayaan goob-joogayaal.

Laba gaari oo mid kamid ah la sheegay in uu ahaa gaadiidka xamuulka ah ayaa lagu dhuftay xarunta Lama-galaay kuwaas oo dhaliyay qaraxyo aad u xooggan islamarkaana khasaare badan sababay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaanno ayaa sida wararku sheegayaan ku dhintay qaraxaas inkastoo aan weli khasaaraha la tira-koobin.

Wasiirkii Caafimaadka Hirshabeelle Zakariye Maxamed Axmed (Hurre) iyo Abuukar Cabdullaahi Maadeey oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah dadka ku geeriyooday qaraxyada.

Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan mas’uuliyiin iyo xildhibaanno kale oo ku dhintay qaraxyadan balse weli magacyadooda nama soo gaarin.

PUNTLAND POST

The post Khasaaraha ka dhashay qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this