Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururrada siyaasadda Puntland oo xujo adag hor dhigi doona madaxweyne Siciid Deni

Recommended Posts

Deeq A.   
URURADA-1440x960.jpg

Dhammaan ururrada siyaasadda Puntland ayaa lagu wadaa in ay bartamaha bishan isu-gu yimaadaan shirweyne looga tashanayo barnaamijka xisbiyada badan ee doorashooyinka qof iyo cod.

Xubno kala duwan oo ka tirsan ururrada siyaasadda Puntland ayaa noo xaqiijiyay in ay socoto qaban-qaabada shirkan oo ku saabsan barnaamijka hannaanka xisbiyada badan ee doorashooyinka qof iyo cod.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in hadda la sugayo guddoomiyaasha urur siyaasadeedyada Mustaqbal Horseed iyo SINCAD oo dalka dibaddiis ku maqan.

 Xogo hoose oo aan helnay ayaa tilmaamaya in shirkan kadib ay dhammaan ururrada siyaasaddu shir guud la yeelan doonaan xukuumadda islamarkaana ay kala hadli doonaan barnaamijkan.

Xogaha ayaa sidoo kale sheegaya in ururrada siyaasaddu ay madaxweyne Siciid Deni ku cadaadin doonaan in uu dadweynaha hortooda ka caddeeyo in aanu wax mudda kororsi ah wadin.

Muddooyinkii danbe ayaa waxa soo baxayay tuhun iyo walaac xooggan oo laga qabo in madaxweyne Siciid Deni uu mudda kororsi ka dhex raadinayo doorashooyinka qof iyo cod.

PUNTLAND POST

The post Ururrada siyaasadda Puntland oo xujo adag hor dhigi doona madaxweyne Siciid Deni appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this