Deeq A. Posted October 2, 2022 Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqayn lagu dilay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sareeya Al-shabaab. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgal qorsheysan oo 01-10-2022 ka dhacay deegaanka Xaramka ee gobalka Jubbada Dhexe lagu dilay Cabdullaahi Nadiir oo ahaa madaxa dacwada ee kooxda Al-shabaab. Cabdullaahi Nadiir oo loo yaqaanay Cabdullaahi Yare ayaa horay waxaa madaxiisa malaayiin doollar u dul-dhigtay dowladda Maraynkanka. Duqaynta lagu dilay Cabdullaahi Nadiir ayaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen dhowr qof, waxaana kaloo dhintay garawalkii gaariga iyo wiil uu dhalay Xasan Daahir Aweys oo lagu magacaabo Ibraahim oo aan weli la xaqiijin in uu Al-shabaab ka mid ahaa iyo in kale. PUNTLAND POST The post Duqeyn lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites