Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta Ciidanka Haramcad oo Loogu Magacdaray Taliyihii Geeriyooday Ee General Farxaan Qaroole

Recommended Posts

Deeq A.   

Wareegto kasoo baxday taliska ciidanka  Booliiska Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in xerada ciidanka Booliiska gaarka ah ee Haramcad loogu magac daray Allah u naxariistee taliyihii ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Maxmuud Aadan oo ku geeriyooday Jimcihii deegaanka Basra Qarax halkaas ka dhacay, isagoo shalay Muqdisho lagu aasay.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in marxuumka uu lagu xasuusan doono goobo badan oo loogu magac bixinayo, waxaana goobtii ugu horeysay ay noqotay xarunta taliska ciidanka Booliiska Gaarka ah oo magaceeda loo badelay xerada General Faraxaan, taas oo xarun u ah ciidanka Haramcad.

Open photo

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this