Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab Qamadiga Ukraine Ah Oo Loo Soo Dirayo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ukraine)-Markabkii shanaad oo u kireysan hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa soo gaadhay magaalada dekada ah ee bada madow ku taalaa ee Chornomorsk ee dalka Ukarine, waxaana uu markabkani shixnadda raashinka ah gaadhsiin doonaa Soomaaliya sida ay sheegtay wasaradda kaabeyaasha dhaqaalaha ee Ukraine Axada maanta ah.

Ukraine ayaa hore ugu dirtay Qamandi dalalka Ethiopia, Yemen iyo Afghanistan kuwaas oo sii marey WFP.

Dhoofinta wax soo saarka beeraha ee Ukarine ayaa hoos u dhacay tan iyo markii uu billaamay dagaalka uu Ruushku dalkaas ku qaadey.

Dekedaha ku yaalla badda madow ayaa ahaa marinka uu raashinkani sii mari jira kaasoo isna xidhmey dagaalka awgii, waana sababta keentey sare u kaca cunada dunida iyo cabsida ku saabsan in Africa iyo Bariag Dhexe ay cunto yari waajahaan.

Sedex magaalo dekedeed oo ku yaalla Bada Madow ayaa xannibaadii saarneyd laga qaadey dhammaadkii bishii July ka dib heshiis dhex marey Moscow iyo Kyiv oo ay soo qaban qaabiyeen Turkiga iyo QM.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtey maanta in isku geyn 5.8 Million oo Ton oo wax soo saarka beeraha dalkaas ah ay ka dhoofiyeen Ukraine tan iyo markii uu heshiiskaasi QM ay gadh-wadeenka ka aheyd uu dhaqan galey.

Cuntadaas ayaa waxaa ka mid ahaa 114,700 oo tan oo ka shiraacdey dekddaha badda madow ku yaalla waxaana waday 8 markab oo maanta ka furtey halkaas.

Reuters.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this