Haashim Posted April 23, 2005 Ogaysiis Daah-fur Buug Cusub Naadiga Qalinleyda iyo Halabuurka Soomaaliyeed ee International PEN waxaa farxad u ah inuu kugu martiqaado xaflad lagu daah-furayo bug cusub oo xiisa leh. Buugga magiciisu waa Kaftan-dhable , waxaa qoray qalinlaha ruug-caddaaga ah Siciid Cismaan Keenadiid. Daah-furka buugga waxaa la socda aqoon-wadaag ay ka-qaybgalayaashu ku kala faa’idaysan doonaan arrimo muhiim u ah nolosha dadka Soomaaliyeed. Taariikhda iyo waqtiga: Axadda 24ka Abril 05. 5ta galabnimo (5pm). Goobta: St. Pancras Church Hall, Lancing Street (off Eversholt St.), NW1 Nearest tube station: Euston, (The hall is just opposite Euston Station) Ka soo qaybgal wacan! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted April 25, 2005 Kaftan-dhable! Tolow goormuu soo gaari doona halakan bal aan akhriyee buuga e. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted April 25, 2005 ^^^ Kaftan-Dhable idiin keeni-meyno. Inagaa leh, inagaana heysaneyna . Nagumaba filna, nagama-firdho illayn wixii badanbaa firdhee! Idinka qorta Kaftan-dhablahiina! lol. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted April 25, 2005 Maxaad saa noogu galeysaan oo aan bi'iney! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted April 25, 2005 Idinka waxba ma aydan bi'inine inaga un bey 'lexjeclada' inagu korodhay! 'Kumi ninkii qabo keeni mah, Kamana maarmo kii lahaay!" ma maqli jirtey odey Baashi? On a serious note laakiin, Muraad wuxuu ii sheegey in buugga fahamkiisa ay aad u adagtahay, sababtoo ah, xuruufta uu qoraaga isticmaaley ayaan ahayn kuwa caadi ah. Marka its going to be a good challenge. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted April 25, 2005 'Kumi ninkii qabo keeni mah, Kamana maarmo kii lahaay!' Xikmadaa waxa laga hayaa ninkii fariidka ahaa ee Taajir kabalaawe...cid kale ha weydiin Soomaaliya: Maxaa Dheelliyey? ...Kaftandhable (SQL138) W.Q: Siciid Cismaan Keenadiid Buuggu wuxuu u qaybsan yahay afar unug. Saddexda hore waxay ku saabsan yihiin xilliyada kala ah waagii Rayidka,waagii kacaanka iyo kan hadda ee dagaalada sokeeye.Unugga afraad wuxuu si dersin ahaana u soo bandhigayaa sida ama qaabka uu u dhaco Shirweyne Jabhadeed: -Soomaalidu waxay tiraahdaa,â€Waayeel hadalkiis kaftandhabluu ku dhammaystaaâ€. Siciid isagoo adeegsanaya hannaanka kaftandhablaha, ayuu inoo diyaarshay buug dhinacyo kala duwan ka taabanaya bulshada soomaalida ? Dhanka suugaanta markii la eego: waa maxay “Kaftandhableâ€? Qoraagu wuxuu ku fasirey iney tahay:-“Arrin dhab ah oo loo bandhigo sidii fikrad fudud oo leh hannaan maadeed. Waa dhabtii (reynreyn,murugo,xumaan,samaan…) oo loo yeelo dahaar kaftan. Haddii uu habku dheelliyo, ujeeddaduna waa saamays beeleysaa. Farsamadu waa isku dheellitiridda dulucda iyo farriinta ay xambaarsan tahay iyo qaabka kaftan ee loo gudbinayo.’Cusbada’ kaftandhabluhu waxay ku jirtaa murtida maldahan oo durbadiiba la haleelo. Qofku ra’yigiisa, tix ama tiraab ha ku soo bandhigo, qiimuhu waa sarraynta qaabka suugaaneed iyo ‘afaysnaanta’ Fiirada.†Tusaale:- Bogga 86aad ee buugga Madaxa Hantidhawrka: Maxaad ku qabateen miisaaniyaddii loogu talagalay horumarinta cayaaraha? Wasiirka Isboortiga: Waan ku cayaarnay. Buuggu waa mid inta runtii kaa qosliya,welina fakar kugu sii reebaya.Haddii qiiro soomaalinnimo kugu jirto – waxaad isku deyi doontaa jawaab u raadinta su’aasha cinwaanka u ah buuggaan. Markaad dib ugu jaleecdid xilliyada uu buuggu ka hadlayao,waxaa kugu soo dhacaysa oraahdii A.Maslov (1908 – 1970) ee ahayd:- “Haddii qalabka keliya ee aad leedahay uu yahay Burrus,waxay dhibaato waliba kuula ekaanaysaa Qodob(musmaar) oo kale. ." Magaca buug ka kooban seddex qaybood iyo lifaaq oo dulmaraya dhinacyo ka mid ah nolosha bulshada (garsoor, qabyaalad, maamul, siyaasad, dayow). Waxa uu lafagur ku samaynayaa xilliyadii Kacaanka, dagaallada sokeeye, iyo shirweynaha jabhadeed Jamaal, waxay ila tahay ninkii Muraad ahaa iyo addigu inaad noo furi doontaa aqoon is weydaarsi ku aadan erayada adag ee qoraa Saciid uu isticmaalay. Ma lahjad ahaan bey u adag yihiin mise dadka yaa "vocabulary"-gu ku yar yahay?. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted April 25, 2005 What is Kaftan Dhable..? might someone explain the meaning of this word and where it came from? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haashim Posted April 25, 2005 One of the presenters of thebook (M.D Afrax) said I would choose: Soomaaliya: Maxaa Dheelliyey? as a main name of the book and not Katandhabaale and i actually agree with him since katan-dhabaale is the way in which the author wants to deliver his message and not the end. but because the author is QORAA RUUGCADDA AH we have to keep as it is. Caamir Sxb. Kaftan means Humor and Dhable means Serious. The author means this is a Humor but it's serious So, if you read the you'll be entertained but he means what he is saying. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted April 25, 2005 Originally posted by CAAMIR: What is Kaftan Dhable..? might someone explain the meaning of this word and where it came from? Kaftan-dhable = Satire. It came from the words "kaftan" and "dhab" as Muraad explained there. Kaftan-dhable is a literary technique (conversational or dialogue style) to expose human folly without offending the target. Hope that helped. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted April 26, 2005 ^^^ Sxb hadaad ogaan lahayd Muraad siduu khatar ugu yahay micneynta iyo ereybixinta, buug baad ka daba qaadan lahayd sxb. London oo dhan isageey turjumaad radsataa . Balse aniga qaybtii igu soo hagaagta diyaar ayaan u ahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted April 26, 2005 Baashi and Muraad thanks for the definition of the Kaftan Dhable word. The book seems very interesting. Quote Share this post Link to post Share on other sites