Sign in to follow this  
Deeq A.

CC SHAKUUR oo sheegay arrin xasaasi ah oo la xiriirta dagaalka Shabaab (Daawo)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay kacdoonka dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa sheegay inay jiraan dad aan weli daacad ka aheyn dagaalkaasi.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dadka qaarkood dhab ka aheyn dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, si gaar ah Odayaasha dhaqanka qaarkood oo uu sheegay inay cabsi galinayaan kacdoonka dagaal ee socda.

“Nabadoonada qaar Shabaabka ayey u shaqeeyaan oo u jaajuusaan, qabiilada ayey isku diraan si Shabaabka u noolaadan. Dadka ayey cabsi galiyaan, oo nimanka la iskama celin karo oo khatar waaye oo madaxa ayey ka jabinayaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto argagixisada Al-Shabaab, lana sii xoojiyo kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah si looga gaaro ujeedada laga leeyahay oo ah xoreynta dalkeena.

“Haddii furimaha looga soo adkaado Al-Shabaab waa baxeysa baqdinta laga qabo. Xamar ciidan kuma haystaan Shabaab oo iyagoo dhex jiifa ayey joogaan laakiin haddii furimaha dagaalka looga soo adkaado dadka soo qab-qabanaya haddii furimaha looga adkaado.”

Ugu dambeyntiina waxa uu kusii dhiiri-geliyay ciidamada dowladda iyo kuwa kale ee deegaanka inay sii kordhiyaan howl-galada lagu soo afjarayo Al-Shabaab, islamarkaana dagaalka lagu garab istaago nooc walba oo taageero.

The post CC SHAKUUR oo sheegay arrin xasaasi ah oo la xiriirta dagaalka Shabaab (Daawo) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this