Deeq A. Posted October 2, 2022 Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ka furmay shir u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo hay’ada IMF, kaasi oo la xiriiray hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda dalka. Shirka oo uu daah-furay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa diirada lagu saaray heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib-u-habeyntiisa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxaxy dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale inta uu shirkaan socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa wada-shaqaynta iyo xoojinta dhaqaaleheenna mustaqbalka dhaw. Wasiirka Maaliyadda, Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyay dhamaan hay’adaha dowladda ee shirka kala qeyb-galay sida; Wasaaradda qorshaynta Qaranka, Bangiga dhexe, Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxtooyada. Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay waxay dadaal badan ugu jirtay sidii dib u habeyn ballaaran loogu sameyn lahaa hanaanka dhaqaalaha daalka, kaasi oo horseed u noqonaya in deynta laga cafiyo. The post Sawirro: DF iyo IMF oo shir muhiim ah uu u furmay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites