Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo shirar gooni gooni ah la yeelanaya beelaha Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20220615-WA0006.jpg

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bilaabay shirar gooni gooni ah oo uu madaxtooyada Garoowe kula yeelanayo qaar ka mid ah qabaa’ilka daga gobolka Nugaal.

Puntland Post ayaa ogaatay in Madaxweyne Deni uu kulankii ugu horreeyay xalay la yeeshay waxgaradka mid ka mid ah beelaha Nugaal, kulankaas oo waqti qaatay ayaa madaxweynuhu kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorshaha uu ku doonayo in uu sanadkiisii ugu dambeeyay ku hirgeliyo doorasho qof iyo cod oo ka dhacda qaar ka mid ah degmooyinka Puntland.

Kulamada uu madaxweynaha Puntland la yeelanayo beelaha gobolka Nugaal ayaa ku soo aadaya, xilli uusan muddooyinkii dambe wanaagsanayn xiriirka isimada Nugaal iyo Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan kala diray golihii deegaanka degmada Garoowe iyo sidoo kale baddelay wasiiradii ka soo jeeday gobolka Nugaal ee la shaqaynayay muddada afarta sano ku dhow.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo shirar gooni gooni ah la yeelanaya beelaha Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this