Sign in to follow this  
Deeq A.

Cod Sir Ah Oo Laga Helay Wasiirrada Pakistan Oo U Tashanaya Imran Khan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pakistan)-Golaha wasiirrada federaalka ee dalka Pakistan ayaa go’aansaday in ay tallaabo sharci ah ka qaadaan raysul wasaarihii hore ee dalkaas, Imran Khan, sida laga maqlay cod lasoo dusiyay oo la duubay xilliga ay tashanayeen.

Xogta ku jirta codka ayaa qeexeysa in marka ay si rasmi ah go’aankaas u ansixiyaan golaha wasiirrada kaddib lagu dhaqaaqi doono tallaabada sharciga ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Pakistan oo magaciisa qariyay ayaa BBC-da u xaqiijiyay in baaadhitaan heer federaal ah lagu sameyn doono arrintan.

Hay’adda baadhitaannada ayaa amar lagu siiyay inay si deg deg ah u soo baadho codka sirta ah ee la faafiyay.

Imran Khan oo ah siyaasi aad u saameyn badan waxa uu guddoomiye ka yahay xisbiga Tehreek-e-Insaf. Bishii April ee sannadkan ayaa laga qaaday xilka raysul wasaaraha Pakistan, arrintaas oo si weyn uga cadheysiisay taageerayaashiisa.

Xil ka qaadistiisa waxa ay timid kaddib markii ay xildhibaannada baarlamaanka kalsoonida ugala noqdeen kulan dhacay saq dhexe oo habeennimo kaddib.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this