Sign in to follow this  
Deeq A.

Qawmiyadaha Soomaalida Iyo Oromada Oo Ku Dagaalamaya Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Guri-dhaamoole ee gooblka Liiban ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in halkaa uu dagaal ka socdo.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa qawmiydaha Soomaalida iyo Oromada oo halkaa wada dega, iyadoo wali ay go’antahay isgaadhsiintii degmadaasi.

Sida ay sheegayaan dadka deegaankaasi, ayaa shalay waxaa la gubay guryo, waxaana dagaalkaasi ka dhashay barakac.

Hase yeeshee faah-faahinta sida wax u dhaceen way adag tahay in la helo, maadaama isgaadhsiintu ay go’an tahay.

Waxaa xusid mudan in dhanka kale ee Oromada aan isku daynay in aan la xidhiidhno, si arrintaan wax uga waydiinno ee dagaalka socda, hase yeeshee ma aanay noo suura galin inaan helno.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this