Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan Booliiska Puntland oo ku dhintay iska hor imaad ka dhacay degmada Buurtinle

Recommended Posts

Deeq A.   

Hal askari oo ka tirsanaa Booliiska Puntland laguna magacaabi jiray Maxamed Badgal Ciise Galayr ayaa ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacmay iska hor imaad kooban oo saaka ka dhacay degmada Buurtinle oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Dabley beelaysan oo u dhashay degaanka ayaa sida la xaqiijinayo weerar ku qaaday xabsiga degmada Buurtinle halkaas oo uu ka dhacay iska hor-imaad u dhexeeya Booliiska iyo kooxdii xabsiga weerartay.

Wararku waxay sheegayaan in dableyda hubaysan ay ka caraysan yihiin dad u dhashay beeshooda oo maxkamadi xukuntay islamarkaana loo gudbin lahaa xabsiga weyn ee caasimadda Garoowe.

Xiriir aan la samaynay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka si aan wax uga weydiino dhacdadan weli midna taleefonka kama jawaabin.

PUNTLAND POST

The post Askari ka tirsan Booliiska Puntland oo ku dhintay iska hor imaad ka dhacay degmada Buurtinle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this