Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Wixii ka danbeeya 13 november Uma aqoonsanayno Madaxweynaha iyo xukuumadiisa kuwo sharci ah.” Guushu maanta ayay inoogu dhawdahay”…..Musharax C/raxmaan Cirro

Recommended Posts

Deeq A.   
cirro-1.jpg
Shalay Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ka dhacay Fool-xumadii ugu weyned ee ina soo martay intii aynu qaadannay nidaamkan Axsaabta badan,
Shalay waxaa god madow lagu hubsaday oo gabal baas u dumay nidaamkii dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ku dhisnaa, waxaa la xabaalay kalsoonidii Shacabka iyo doonistii dadweynaha,
Waxa cirka lagu laalay rejadii ictiraafka Somaliland, waxaa jar iyo meel daran laga tuuray nidaamkii wada-tashiga iyo isla oggol-ka ku dhisnaa, waxaa Madaxweynuhu u badheedhay sharci darro, Dastuur jabin iyo jar-iska xoornimo.
Go’aanka Golaha Guurtidu halkii uu xaaladda dalka ka dejin lahaa waxa uu noqday mid uga daray oo batrool ku shubay kabriidna ku qabtay xaaladdii cakirneyd ee JSL ku jirtay.”
Xisbiga WADDANI muddo xileedka Sharciga ah ee Madaxweynaha Somaliland waxa uu u aqoonsan yahay in ay ku egtahay 13ka November 2022, wixii mudaddaas ka dambeeya Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa uma aqoonsan doono kuwa sharciyad ku fadhiya.
Murashax Cirro .

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this