Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergayga Abaaraha oo Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Canada Kala Hadlay Arrimaha Gurmadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ergayga arrimaha Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa waxaa uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Toronto ee dalka Canada, kulanka ayaa waxaa ka qeybgalayo bulshada qeybahooda kale duwan, kuwaas oo ku sugnaa madasha kulanka.

Kulankaan waxaa sidoo kale  kasoo qaybgalay oo goobjoog u ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  iyo qaybaha kala duwan ee bulshada sida culimadda, aqoonyahannada dhallinyarada, haweenka iyo xirfadlayaasha ayuu Ergeygu uga warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan mushkiladda abaaraha dalka ka jirta xilligaan.
Ergeyga gaarka ah  ee Arrimaha ayaa jaaliyadda Toronto wuxuu ku dhiirrageliyey in ay si mug iyo miisaan  leh uga qayb-qaataan gurmadka abaaraha, isla-markaana aysan ka baaqsan ka qeyb-qaadashada dagaalka lagula jiro Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay, kaas oo ka socda qeybo kamid dalka oo ay kula jiraan ciidanka dowladda federalak  iyo kuwa deegaanka.
Ergeygu wuxuu dhanka kale  jaaliyadda ku boorriyey In ay dawladda Canada culays ku saaraan in ay kordhiso deeqda gurmadka abaaraha ee Soomaaliya siiso, maadaama Canada ay kamid tahay dalalka Soomaalida ugu badan ay joogaan, kuwaas oo qaarkood ah xildhibaanno laga soo doorto magaalooyinka qaar oo ay ku jirto Toronto  oo caasimadda ah.
Ugu dambayn, Madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Ergeyga gaarka ah taas oo ku aaddan halganka uu ugu jiro u qareemidda bulshada Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen iyo colaadaha xiligaan ka dilaacay gobollada qaar oo dhaliyay barakac hor leh oo ay sameeyeen bulshooyinka deegaanka.
309593806_630295638465467_75802949149614
309908899_630295711798793_55283936608900
309381237_630295645132133_39028875904133
309376642_630295765132121_82526312791445
307714202_630295788465452_25595567882373
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this