Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamadii ugu badnaa oo lagu diyaarinayo KISMAAYO + ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay waddo dowlad goboleedka Jubbaland, kaas oo ku wajahan kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Jubbaland ayaa dooneysa inay qaado guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana abaabulkii ugu dambeeyey uu haatan ka socdaa magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadii ugu badnaa ayaa haatan lagu diyaarinayaa Kismaayo, kuwaas oo ka qayb qaadan doono howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa kormeer ku tegay xeryaha ciidamadan ee ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kula hadleen ciidamada loo diyaarinayo howlgallada ka bilaabanaya deegaanada maamulka Jubbaland.

General ismaaciil Saxardiid Keysane oo ka mid ah saraakiisha Jubbaland oo ka hadlay goobta ayaa farriin u diray dhammaan ciidamada, wuxuuna ugu baaqay inay u duyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Saxardiid ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dhowaan ay qaadi doonaan weeraro culus oo ay ku aadayaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

“Dhufeyska aad ku jirteen mudada sideeda sanada ah kuma sii jiri doontaan waynu ka baxeynaa, goobaha ay joogaan iyo meelaha ay naga soo aadayeen baan aadeynaa” ayuu yiri General Ismaaciil saxardiid Keysane.

Abaabulka ciidan ee Kismaayo ka socdo iyo dhaq-dhaqaaqyada ay haatan waddo Jubbaland ayaa kusoo aadaya, ayada oo uu kacdoon shacab oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab uu ka socdo gobollada dhexe, gaar ahaan Hiiraan iyo Galgaduud, kaas oo guulo waa weyn laga gaaray, sida ay shaacisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

The post Ciidamadii ugu badnaa oo lagu diyaarinayo KISMAAYO + ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this