Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo bilowday guluf ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa bilowday dhaq dhaqaaq ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Amniga Maamulkaas.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa sheegay in ay ku jiraan u diyaar-garowgii u danbeeyay ee guluf ciidan oo lagu qaadayo Al-shabaab.

Wasiirka oo khudbad u jeedinayay ciidamo fara badan oo Koonfur Galbeed ku diyaarisay degmada Wala-weyn ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa ku dhawaaqay dagaalkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in ay diyaarsan yihiin dhammaan Ciidamadii lagu xorayn lahaa dhulka Al-shabaab kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

PUNTLAND POST

The post Koonfur Galbeed oo bilowday guluf ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this