Sign in to follow this  
Deeq A.

Indonesia: 127 Qof Oo Ku Dhintay Rabshado Ka Dhashay Ciyaar Kubadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Inta la xaqiijiyey 127 qof ayaa ku dhintay halka 200 oo qof oo kalena ku dhaawaceen ka dib rabshado ka dhashay ciyaar Kubadeed ka dhacday dalka Indonesia.

Rabshadaha ayaa yimi ka dib ciyaar dhex martay kooxaha lagu kala magacaabo Arima FC iyo Percy Baya kuwaas oo ku wada ciyaara garoon ku yaalla Bariga Java.

Cayaarta oo ahayd mid ay xaadir ahaayeen 3000 oo qof ayaa mar kale isu rogtay dagaal ka dib markii saddex gool loo dhiibay kooxda Arima FC taas oo taageerayaasheedu xoog ku soo galeen goobtii cayaartu ka socotay.

Waxana intaa ka dib bilaabmay isku dhac dhex maray Ciidankii Booliska iyo taageerayaashii guul darrada ka gadooday. Dhimashada iyo dhawaaca ayaa ilaa hadda sii kordhaya iyada oo deegaankuna bandow yahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this