Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Hindiya oo hub ka iibinaysa dalka Armenia

Recommended Posts

Deeq A.   

Hindiya ayaa doonaysaa in ay dalka Armenia ka iibiso hub qiimihiisa lagu sheegay $244 oo milyan oo doolar.

Sanadkii 2020-kii Armenia waxa ay la dagaalantay dalka ay deriska yihiin ee Azerbaijan oo la soo tebiyay in uu hub ka helay Turkiga.

Waxaa mar kale dib usoo cusboonaatay xiisadda ka dhex taagan labadan waddan sidaas darteed heshiiska dhanka hubka ah wuxuu muhiim u yahay Armenia.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga, heshiiska wuxuu dhigayaa in marka hore ay Hindiya siiso Armenia gantaallada loo yaqaano Pinaka waxaana gantaalka sameysay shirkadda DRDO.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Hindiya oo hub ka iibinaysa dalka Armenia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this