Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh: La iiguma imaan karo kiis la xiriira Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Daawo hadal dheer oo jeediyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamudd ayaa sheegay in mas’uul dowladeed ama nabadoon uusan ugu imaan karin kiis la xiriira Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta hadal ka jeediyay goobtii Janaasada lagula dukaday Marxuum Farxaan Qaroole ayaa yiri “qof Shabaab ah iska daaye, qof lagu tuhmay xitaa la iiguma imaan karo arrintiisa, xildhibaan aa iigu imaan karin, nabadoon aa iigu imaan karin, wasiirna iiguma imaan karo, sharciga ayuu marayaa, hadduu dambiga ku caddaado caddaalad ayuu marayaa, haddii lagu waayana waa la deynayaa”.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay ganacsatada ay hantida siiya Al-shabaab, wuxuuna tilmaamay in hadda kaddib dowladdu aysan aqbalayn arrintaas.

PUNTLAND POST

The post Xasan Sheekh: La iiguma imaan karo kiis la xiriira Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this