Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin culus ka diray janaasadii Farxaan Qaroole

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka kaga qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto Taliyehii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo ku shahiiday dagaalkii shalay ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe. 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Farxaan Maxamuud Qoroole uu ahaa geesi ay ka go’anayd in uu argagixisada ka xoreeyo dalkiisa, dhagartoodana ka difaaco dadkiisa Soomaaliyeed, waxa uuna halyeygani u shahiiday isagoo haya jidkaas sharafta badan. 

“Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay leeyihiin hal cadow oo ay tahay in ay cudud iyo caqliba u mideeyaan. Caqli saliim ah ma ahan in aynu aqbalno ficilladooda gumaadka ah. Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in uu doorkiisa ka qaato dagaalka ka dhanka argagixisadaas,” ayuu yiri madaxweynaha 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay ganacsatada hantidooda sida baadda ah u siiya argagixisada Al-Shabaab, taas oo ah waxa ay ku maalgeliyaan dhagarta ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed ee birmi-gaydada ah, dowladduna aysan aqbalayn arrinkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Allah ha u naxariistee, Taliyihii ciidamada Booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ayaa shalay lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Farxaan Qaroole ayaa watay gawaari nooca xabadda aysan karin ah, balse waxa uu qaraxa kahor ka degay gaariga waxaana kadib ku qaraxday miinada oo dhulka lagu aasay, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ku istaagay.

Xasan-2.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 310213031_484319373739207_82026880050409 310128751_484318463739298_56560408154106 309972294_484320457072432_67584589761049 Xamza.jpeg?resize=696%2C501&ssl=1 310091057_484317877072690_67583168559686 Xasan-iyo-Madoobe.jpeg?resize=696%2C464& Aadan-madoobe.jpeg?resize=696%2C540&ssl= Xasan-Sheekh.jpeg?resize=696%2C487&ssl=1 310047694_484319667072511_10889003279831 Abshir-Bukhaari.jpeg?resize=696%2C464&ss 309965193_484317950406016_36951658412937 310437513_484319910405820_20348426817997 309966814_484322207072257_26963425327514 Faarax.jpeg?resize=696%2C533&ssl=1 Odowaa.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 309891288_484322003738944_78177732991674 310110512_484322327072245_60344957282526 309312536_484320243739120_92092218740073 310046503_484322427072235_31419920554346 Fiqi.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 309648874_484322500405561_40674292927100 309705794_484322503738894_49393850451492 309905203_484323463738798_79200016108456 310298880_484324043738740_65712048153199 309848446_484323703738774_76121148605191 309820970_484323770405434_13113561477681 309881724_484323877072090_41437872424860 Rooble.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin culus ka diray janaasadii Farxaan Qaroole appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this