Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo 12 qof oo shacab ah ku dilay Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20220930_192652769-1440x810

Al-shabaab ayaa 12 qof oo shacab ah ku dishay ceel biyood laga qodayay deegaanka Gariley oo u dhaxeeya degmooyinka Bardheere iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Bulshada deegaanka ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab ay gubeen injineeradda ceelka qodayay iyo shacabkii la socday dhammantood, waxaana la sheegay dadka la dilay labo ka mid ah in ay ahaayeen haween.

Sidoo kale waxay meesha ku gubeen gaarigii riiga iyo dhamaan alaabtii lagu qodayay ceelka, sida ay muujinayaan sawiro laga soo qaaday goobka falku ka dhacay oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe beegsanayay dadka rayidka ah, taas oo sababtay in qaybo ka mid ah gobolada dalka ay ka bilaabaan kacdoon ka dhan ah kooxdaas.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo 12 qof oo shacab ah ku dilay Gedo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this