Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay Degaanka Basra

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Macawiisleyda Degaanka ayaa la wareegay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sido kale waxaa Shabaab laga qabsaday Tuulooyin kale oo ku teedsan Wabiga Shabeelle.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa ee Deegaanada ay la wareegeen islamarkaana aysan jirin wax iska cabin ah oo ay ciidamadu la kulmeen inta howlgalku Socday.

Deegaanka Basra oo ah degaan Istiraatiiji ah ayaa isku xira gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabaalaha Dhexe.

Sidoo kale Alshabaab ayaa Basra kulahaa Saldhig wayn oo ay ku qaadi jireen xukunadooda garsoorka.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay Degaanka Basra appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this