Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo dagaal maaliyadeed ku qaadday Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Soomaaliya Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaciyay in baaritaan iyo daba-gal lagu hayo shakhdiyaad ku eedaysan maalgelinta Al-shabaab.

Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in hay’adaha baarista Soomaaliya ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee shakhsiyaadkan islamarkaana cid kasta oo arrintaas ku caddaato lagu fulin doono xeerka ka hortagga maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda.

“Waxaan billownay tallaabooyin adag oo lagu beegsanayo dadka lagu tuhunsan yahay inay dhaqayaan lacagaha si ay u gacan siiyaan argigixisada. Waxaan sharciga horkeenaynaa cid kasta oo argigixisada gacan siisa” ayuu yiri  xeer ilaaliyuhu.

Sidoo kale wuxu digniin adag u jeediyay dadka garsoorka u raadsada Al-shabaab waxaana uu hay’adaha fulinta ee dowladda ku amray in ay sharciga horkeenaan cid kasta oo lagu helo falkaas.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo dagaal maaliyadeed ku qaadday Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this