Deeq A. Posted September 30, 2022 Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Gen. Farxaan Maxamuud Aadan oo loo yaqaanay Farxaan Qaroole ayaa lagu dilay qarax ka dhacay nawaaxiga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho. Alle ha u naxariistee Taliyaha ayaa lagu dilay qarax miino oo lala beegsaday baabuur uu saarnaa sida ay xaqijiyeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Marxuum Farxaan Qaroole Waxa uu ka mid ahaa taliyayaashii hoggaaminayay howlgallada Al-shabaab looga saarayo Gobollada shabeelooyinka gaar ahaanna Degaanka Basra ee Gobolka Shabeellada dhexe. PUNTLAND POST The post Taliyihii Booliiska Gobolka Banaadir oo qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites