Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

UN representative for Somaliland somalia visits the capital of Somaliland.

Recommended Posts

Thankful   

But he wouldn't, because there is already a UN Rep for Somalia, nor would the Ethiopian, Djibouti or Kenyan go to Somalia. It is not protocol to............ahhhh just forget it JB.

 

Garowe welcomed him and Hargeysa to....i'm cool with that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho welcomed him, Garowe welcomed him, Beletweyne could welcome him, Caabudwaaq can welcome him ........ that is fine.

 

He is spending the night in Somaliland to relief the stress .... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Jacaylbaro:

Muqdisho welcomed him, Garowe welcomed him, Beletweyne could welcome him, Caabudwaaq can welcome him ........ that is fine.

 

He is spending the night in Somaliland to relief the stress ....
:D

looool, spending the night in Somali Land....how ironic

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arrimaha Dibadu wuxuu sheegay in Weftigani ay Somaliland ku sugnaan doonaan muddo laba maalmood ah isla markaana ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan masuuliyiin kala duwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kaaliyaha Xoghaya Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somalia Oo Kulan La Yeeshay Shir Gudoonka Labada Gole Ee Guurtida Iyo Wakiilada Somaliland

 

Hargeysa (OWN)- Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Wadamada Somaliland iyo Somalia Augustine Mahiga ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay shir gudoonka laba gole ee Guurtida Iyo Wakiilada Somaliland.

 

Kalankan oo maanta ka dhacay xarunta Golaha Wakiilada ee Magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in labada dhinac kaga wada hadleen dhixiidhka u dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Somaliland, shirkan ayaa markii uu dhamaaday waxa saxaafada ugu waramay waxyaabihii ay ka wada hadeen labada dhinac, u qaabilsanaha Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay Augustine Mahiga.

 

Mr. Augustine Mahiga waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen madaxda Baarlamaanka Somaliland sidii sare loogu qaadi lahaa Xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Qaramada Midoobay, isaga oo arintaas ka hadalaayna waxa uu yidhi “Socdaalka aan ku imid Somaliland waxa la xidhiidhaa Isbarasho maadaama uu safarkaygani uu yahay kii ugu horeyeey ee aan ku imaado Somaliland, wax yaabaha ugu mihiimsan ee aanu ka wada hadal nay Gudoonka Baarlamaanka waxa ka mida sidii oo xoojinlhaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Xafiisyada Qaramada Midoobay ee Nairobi iyo dawlada Somaliland”.

 

Waxa kale oo uu sheegay dareenkaiisa ku wajahan safrkiisa uu ku imid Somaliland waxans uu yidhi “ waxaan ku faraxsanahay horumarka laga sameeyey dhinacyada Dumuquraadiyada, Nabada, Xasiloonida,iyo Daganaashaha ka jira Somaliland” sidaana wax yidhi Mr. Augustine Mahiga

Waxa kale oo ay Mr. Mahiga ay saxaafadu waydiisay wararka sheegay in Qaarkamida Xafiisayada Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ee loo soo rarayo Somaliland ay hoos tagi doonaan Dawlada TFG, waxana uu sheegay in anuu jirin wax qorshe ah oo ay Qarmada Midoobay doonayso in ay xafiisyada loo soo rarayo Somaliland la hoos geeyo Maaamulka TFG.

Dhanacooda ayaa ay Shir gudoodka labada Gole ay ugu war bixyeen Saxaafada wax yaabihii ay ka wada hadleen Ergayga, waxna ay sheegeen in ay ka wada hadleen sidii ay Jimciyada Quurrmuhu ay Somaliland u siin lahayd Kaalimo Horu marineed oo toosa maadaa ma ay Somaliland ka baxday Sandooqa Gargaarka dagdaga, ah isla markaana ay ugudubtay Heerka Horumarinta.

 

Gudoomiyha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxmuud Aaadan oo Saxaafada la hadalayey ayaa waxa uu sheegay in ay kala hadleen Mr. Mahiga shaqaaqada ka taagan Deegaanka Sanaag bari yo jabahada laga aas aasayo Deegaagaanka Buuhoole, isaga oo arintaas ka hadalayna waxa uu sheegay Md.Saleebaan sidan “waxan kala hadlaynay ninkaasi dhibaatada ka taagan Gobolada bari hadii ay tahay Argagixiso iyo budcadbadeeda, waxanu muhiim ah in arinmhaasi laga wada shaqeeyo, ,mida kale waxanu u sheegay in aanaan anagu wax dhibaato ah ku hayn Punland balse ay iyadu Dhibaato weyn nagu hayso sida dhinaca amniga” Sidaana waxa yidhi Gudoomiye Saleebaan Maxmuud Aadan.

 

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadalay Gudoomihaya Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi (Ciro) waxana uu sheegay in ay labada dhinac kulankoodu ku dhamaday is afgarasho, wax uu intaa ku daray in uu u sheegay Mr. Mahiga in ay Somaliland ku talaabsatay Guulo badan waxana uu sheegay in warbixta uu u gudbinayo Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa uu arintaas ku xusi doono.

 

Ugu dambaytiina waxa uu Md. Ciro sheegay in Master Mahiga u sheegay in ay Somaliland Aqoonsi caalimaya ku gaadhi karto iyada oo ilaashata nabadeeda iyo mid nimadeeda, siina kordhiso dhinacyda kala duwan ee horu marka Dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weftigii Qaramada Midoobay Oo La Kulmay Shirgudoonka Goleyaasha Baarlamaanka

November 11th, 2010

Hargeysa(Somaliland.Org)- Shirgudoonka Goleyaasha Wakiilada iyo Guurtida ayaa maanta kulan la yeeshay Weftiga Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augostine Mahiga, oo socdaal laba maalmood ah shalay ku yimid Caasimada Hargeysa.

 

Augostine Mahiga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisa Somaliland waxaanu tilmaamay inuu kala hadlay shirgudoonka Goleyaasha baarlamaanka Somaliland arrimo badan oo ay ka mid yihiin in Qaramada Midoobay kor u qaado horumarinta mashaariicda samo-falka. Waxaanu sheegay inuu mudadii uu dalka ku sugnaa uu ku arkay nabadgelyo iyo dadweynaha oo illaa saacadaha dambe si caadi ah u wata Ganacsigooda.

 

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlay kulankaasi ka dib Saxaafada u waramayay ayaa sheegay inay weftigaasi ku canaanteen sababta ay Aqoonsi la’aanta Somaliland.

 

“Arrinta Aqoonsiga waanu ku canaanaynay waxaanu noo sheegay inuu iska iman doono maadaama oo beeshii caalamku ay bedeleen habkii ay ula dhaqmi jireen Somaliland.waxaanu u sheegnay in wax laga qabto dhibaatada Puntland ku hayso Somaliland Anagu wax dhibaato ah kuma hayno,”ayuu yidhi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) ayaa isaguna sheegay inay weftigan uga warameen xaalada nabadgelyo iyo Dimuqraadiyada.

 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in weftigu ay sheegeen inay Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay ay u gudbin doonaan warbixino badan oo waxtar siyaasadeed u leh Somaliland.

 

Somaliland.org

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madax UDUB Ka Tirsan Oo Su’aalo Xasaasi Ah Ku Waydiiyay Kulan Dhex Maray Wefdiga Wakiilka Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Oo booqasho ku yimi Somaliland.

 

 

 

Hargeysa (Ramaas) Nov. 11, 2010 - Madax ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee UDUB ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr Augustine Mahiga oo markii ugu horeysay sidii uu xilka ula wareegay shalay booqasho ku yimi Somaliland.

 

 

 

Waxa sidan lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska siyaasada ee Xisbiga UDUB, waxaanu u dhignaa sidatan:

 

 

 

Mr. Mahiga oo ka war bixinayey safarkiisa ayaa sheegay in Koonfurta Somalia ay tahay meel bugta , oo dhibaatooyin ka taagan yihiin, Somaliland na ay tahay meel caafimaad qabta, uma aanu iman halkan inaanu cudurka Somaliya halkan ku soo fidino, waxanu idiinku nimi inaanu dawada cudurkaa wax idiinka weydiino sidii xal loogu heli lahaa koonfurta Somaliya oo ah deriskiina dhow.

 

 

Waxa kale oo idinku nimi sidii aanu u kordhin lahayn wax qabadka aanu Somaliland wax la qabanayno, una kordhin lahayn barnaamijyada horumarineed ee Somaliland iyo sidii halkaa ay soo gaadhay aanay dib uga noqon lahayn.

 

Mar aanu safiirka weydiinay su’aalo dhowr ah ayuu kaga jawaabay sidan hoos ku qoran.

 

Ma waxad u timaadeen inaad Somaliya iyo Somalialnd u furtaan inay ka wada hadlaan midnimo ka dhalata labada dal. Waxu ku jawaabay “Maya, shaqo kuma lihin haddaad la midoobaysaan Somaliya iyo haddii kaleba, waana arrin u taal Somalida. Muhiimadu maaha midnimo idin dhex marta Somaliya inaanu idinkala hadalo ee waxa weeye sidii aanu idinka caawin lahayn dhinaca siyaasada iyo horumarintaba.

 

Amabassador Mahiga waxa intaa ku daray “Ama jeclaada ama ha jeclaanina waxa deriskiina ah dal buka oo u baahan in la daweeyo oo xal loo helo.”

 

Waxanu ku nidhi waxad geysaan cusbitaalo kale sida Nairobi iyo Addis Ababa ee ha keenina Hargeisa. Hadlkaana aad ayuu ugu qoslay.

 

Mar aanu weydiinay bal inuu wax ka bedelayo siyaasadii ninkii isaga ka horeeyey ee Walad Abdalla oo ku shaqaynayey siyaasada Jaamacada carabta iyo Masar oo qadiyada Somaliland ka soo horjeeda ha ahaato dhinaca siyaasada iyo dhaqaalahaba. Waxa ku jawaabay maya kuma shaqaynayo ee waxii aan la qaban karo Somaliland waan la qabanayaa.

 

Mar aanu weydiinay bal inay kordhiyaan caawimada ay u fidinayaan Somaliland iyagoo Dawladda Somalia ka taageera dhinacyo badan oo ay ka mid yihhin bixinta mushahaarooyinka Booliska iyo barlamaankaba ayuu ku gaabsaday, waxanu yidhi waxanu kordhinaynaa joogitaankayaga Somaliland oo aanu ku yeelan doono xafiisyo, waxanu kaloo kordhinaynaa mashaariicda horumarinned, sida ay u kordhinayaan wadamada Maraykanka, reer Europe iyo Ingiriiska isagoo gaar ahaan u xusay wadamada Denmarka, Sweden iyo Norwey.

 

Waxanu weydiinay in wufuud badani timaado dalka kana noqoto iyagoo had jeer yidhaahda waxanu eegaynaa xaalada ka jirta dalka ee ma jirtaa wax cad oo aad noo sheegi karto inaad Somaliland la qabanayso. Waxu ku jawaabay amnbassador Mahiga inaanu dawladda ka sugayno inay noo soo gudbiso baahiyaheeda iyo sida ay u kala horinayaan.

 

Waxanu ambassodoorka weydiinay inay gacan weyn ka geystaan inay dawladda ka taageeraan dhinaca dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed, adkeynta nabad gelyada iyagoo tayeynaya booliska gacana ka geysanaya mashaharsiinta iyadoo ay kooban dhaqaalaha wadanka soo gala.

 

Ugu danbayntii waxanu weydiinay inay halkan u yimaadeen shir lagu qabanayo Kampala Uganda inay ku doonayaan in Somaliland ka soo qayb gasho, waxuna sheegay in shirkaasi yahay mid lagaga hadlayo budhcad badeedka ee aanu siyaadad shaqo ku lahayn

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amabassador Mahiga waxa intaa ku daray “Ama jeclaada ama ha jeclaanina waxa deriskiina ah dal buka oo u baahan in la daweeyo oo xal loo helo.”

 

Waxanu ku nidhi waxad geysaan cusbitaalo kale sida Nairobi iyo Addis Ababa ee ha keenina Hargeisa. Hadlkaana aad ayuu ugu qoslay.

 

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

qandalawi he is the representative for somaliland and somalia. UN offices from kenya will move to hargeisa sl.

Because somaliland is not yet fully recognized by the UN they have a representative, But soon that will not be the case it's just a formality .

loooooooooool@somaliland is not yet fully recognized...

 

Xundjufow xagaa lamartay warka maxuma markaa, waa iska xoogsanaynaa dheh, war nin weeyn bal car anigana aan kaa qaso, adeer iska jalabutee lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Galabta ka Dhoofay Dalka, Kana Xogwaramay Safarkiisa Somaliland

DSC07870.JPG

 

 

Hargeysa (SDWO 11/11/2010) Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Dr. Augustine Mahiga oo booqasho laba maalmood ah ku joogay dalka Somaliland, ayaa galabta ka dhoofay madaarka diyaaradaha ee Egal Airport, kadib wadahadallo uu la yeeshay madaxda kala duwan ee Somaliland.

 

 

DSC07865.JPG

 

Ambassador Mahiga waxa muddadii uu dalka joogay uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madaxweynaha, axsaabta siyaasadda, shirguddoonnada labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada iyo weliba qaybaha bulshada rayidka ah.

 

 

DSC07863.JPG

 

Wadahadal dhexmaray Wakiilka Xoghayaha Guud iyo Shirguddoonnada labada aqal ee Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada), ayaa markii uu dhammaaday waxay labada uga xogwarameen warbaahinta.

 

 

Ugu horreyn, Augustine Mahiga oo faahfaahin ka bixinayey ujeedada safarkiisa, waxa uu yidhi, “Socdaalka aan ku imi Somaliland waxa uu la xidhiidhaa isbarasho, maadaama uu safarkani yahay kii ugu horreeyey ee aan ku imaado Somaliland iyo dardargelin xidhiidhka ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Somaliland.

 

 

Waxaan ku faraxsanahay horumarka laga sameeyey dhinacyada dimuquraadiyadda, nabada, xasiloonida iyo deganaashaha ka jira Somaliland.”

 

 

Mr. Mahiga oo la waydiiyey waxyaabaha ay ka wadahadleen Shirguddoonnada labada aqal, waxa uu yidhi, “Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aanu ka wadahadal nay shirguddoonka Baarlamaanka waxa ka mid ah sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta ka dhaxaysa xafiisyada Qaramada Midoobay ee Nairobi iyo dawlada Somaliland iyo sidii loo dhiirigelin lahaa horumarka, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha, iyadoo la kobcinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay.”

 

 

Dhinaca kale, Guddoomiyayaasha labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa iyaguna saxaafadda uga waramay waxyaabihii ay ka wadahadleen Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobay.

DSC07866%20-%20Copy.JPG

 

Labada masuul waxay isku raacay inay kala hadleen sidii Qaramada Midoobay u kordhin lahayd mucaawinooyinkeeda Somaliland, gaar ahaan dhinaca horumarinta, maadaama ay ka baxday gargaarkii degdega ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this