Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

UN representative for Somaliland somalia visits the capital of Somaliland.

Recommended Posts

Wasiirka Khaarajiga Oo Ka Hadlay Kulan Madaxweyne Siilaanyo La Yeeshay Wefti Ka Socday Q/Midoobay

November 10th, 2010

 

Hargeysa (Somaliland.org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galabta qaabilay Wefti uu Hoggaaminayay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xafiiska Siyaasada ee Somaliland iyo Somalia Ambassador Augostine Mahiga, kaasi oo socdaal laba maalmood ah ku yimid Somaliland.

 

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo u waramayay caawa Shabakada Wararka ee Somaliland.org, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulankii ay yeesheen Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo weftigaasi waxaanu yidhi “Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Xafiiska siyaasada Ambassador Augostine Mahiga, oo kulankaasi ka hadlay ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu hamblayeeyay hanaankii Dimuqraadiyada ahayd ee ay u qabsoontay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii bishii June ee la soo dhaafay iyo habkii awooda la iskugu wareejiyay oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ahayd. Waxaanu tilmaamay inay soo dhawaynayaan siyaasada dawlada Maraykanka ee la xidhiidha inay nidaam gaar ah iyo siyaasad ka duwan Soomaaliya ay u wajahayso arrimaha Somaliland.

 

Wakiilku wuxuu sheegay in tallaabadaasi Maraykanka ay Qaramada Midoobay horeba u qaaday oo ay Somaliland kala shaqayso arrimaha Horumarinta dhaqaalaha iyo mashaariicda, halka dalka Somalia ee qalalaasuhu ka taagan yahayna ay Qaramada Midoobay kala shaqeyso sidii nabad looga dhalin lahaa wadankaasi.”

 

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Wuxuu Wakiilku sheegay inuu xafiiskii siyaasada ee qaramada midoobay ka furanayo Hargeysa kaasi oo laga dhigayo xafiis balaadhan waxaanu intaasi ku daray inay hore u sii joogeen shaqaale uu keenay. Imikana la sii balaadhin doono. Waxa kale oo uu wakiilku sheegay in Ha’yadaha la shaqeeyaana ay si hordhac ah xafiisyadoodii Nairobi u soo wareejinayaan Somaliland.”

 

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka hadlayay waxyaabihii Madaxweynuhu kala hadlay wuxuu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu Weftiga uga mahad celiyay booqashadan ay Somaliland ku yimaadeen. Waxaanu uga waramay xaalada Somaliland ee dhinacyada Nabadgelyada, Ganacsiga , Horumarinta Dimuqraadiyada iyo xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka Jaarka oo uu Madaxweynuhu sheegay inuu maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanayo.

Madaxweynuhu wuxuu Qaramada Midoobay u soo jeediyay inay laban laabto horumarinta mashaariicda ee Somaliland una sameeyaan dhaqaale abuur si fursado shaqo loogu abuuro dhalinyarada iyo bulshada Somaliland. Sidoo kalena la sii xoojiyo horumarinta mashaariicda Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha.”

Wasiirka Arrimaha Dibadu wuxuu sheegay in Weftigani ay Somaliland ku sugnaan doonaan muddo laba maalmood ah isla markaana ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan masuuliyiin kala duwan.

 

Kulankaasi Madaxweynuhu la yeeshay Weftigaas waxa goob joog ka ahaa Wasiiradda Arrimaha dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Sacad Cali Shire.

 

Weftigan oo galabta ka soo degay madaarka magaalada Hargeysa waxa soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland oo uu horkacayay Wasiirka Khaarajiga.

 

Somaliland.Org

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Looooooooooool @ for Somaliland and Somalia

 

Mahiga is the UN's rep for Somalia and thus visiting Hargeisa as part of Somalia :D

 

Even if Somaliland was different why would the UN name one individual for two countries :D

 

He was in Garowe(part of Somalia) and is visiting Hargeisa(part of Somalia).

 

Xundjuf, saaxib bahasha naga yaree dee :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^lol, Inaeer don't spoil it, you don't have to prove it.

 

Nimankaan laf cad bay bay toobin kuhayaan, we know that and they know it. Markaa tabagalka badan kadaa hadii kale markaasay wax kale macno leh isku e keenayaan haha

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

 

Thankful,

 

I laughed at that too, but don't bother with it, because Xaaji Marduuf is probably just getting up from his overnight marqaan and needs to appease his reverist inclinations. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Nina na sheikh dalxiis bey la wareegeysa oo odayga indho yarta la kulmey loool do u know our reporters meet with him lool

Show some respect for the Secretary-General Xaaji! In fact for all Asian's.

Share this post


Link to post
Share on other sites

qandalawi he is the representative for somaliland and somalia. UN offices from kenya will move to hargeisa sl.

Because somaliland is not yet fully recognized by the UN they have a representative, But soon that will not be the case it's just a formality .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Calanka odeyga indho yarta gadaashiisa suran si fiican u eeg awoowe. :D

UN-ta calankaas bas bey yaqaanaan oo wakiil u sameeyeen xataa.

Wax UN rep for SL la dhaho ma jiraan ee sheekooyinka aan jirin oo aad alifeyso iska daaf.

UN xafiis Hargeysa keliya kama fureyso sida aad la socoto, marka good luck with faanka maalaa yacniga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Sheikh Dalxis wali ma qabsaday 5km? mise 4km bu wali jooga. :D Unta waxbana uma tarayso it won't save him from the machete of Ina Godane.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Nina awoowo odayga yara indhayarta eeh sh dalxiis gacanta tuutjiyey even our Reporters meet him
:D

 

bankimoonmohafarahjire.jpg

:D:D Isn't that Muna?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

What is Xaaji on? Of course he is going to shake hands with thousands and thousands of people, if not more - from the poor to heads of state. Which is the point, his organization only recognizes Somalia!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this