Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi & Saleebaan Gaal waa ka tashadeen sidii ay u fashilin lahaayeen is-ku-dayga………Maxamed Biixi Haaruun

Recommended Posts

Deeq A.   

Muuse Biixi & Saleebaan Gaal waa ka tashadeen sidii ay u fashilin lahaayeen is-ku-dayga………Maxamed Haaruun Biixi

haaruun-300x300.jpg

Somaliland waxyaabaha ka socdaa ma aha wax is ka dhacaaya ee qorshe ayay ku socdaan. Hore ayaan taas u sheegay marar badan, hadda ayaad se mooddaa in ay sii cadaanayso. Jidkii Muuse iyo inta ka ag dhow ee Saleebaan u horeeyaa ay waddanka la rabeen ayuu ku socdaa, waana jid ah aan is dilno. Dabcan aan is dilno weeye, maxaa yeelay hadii jidadka sharciga ah iyo ka siyaasadda ee madaniga ah la ga talaabo, oo xal walba la diido ama dhexda la gu fashiliyo, waa kaalay aan is dilnee. Saleebaan wax kale oo uu sheego markii uu waayay, waxa uu yidhi xeerkii baarlamaanku soo gudbiyay, sababta aan u soo tuuray waa iyaka oo aan is ku raacsanayn! Baarlamaanka iyo sida uu u shaqeeyo ma garan la’a, waanu ogyahay in aanu baarlamaan abidkii ba wax is ku wada raacin, is ku na wada raaci doonin, laakiin wax kale oo uu sheego ayuu waayay.
Muuse iyo Saleebaan waa ka tashadeen sidii ay u fashilin lahaayeen is-ku-dayga baarlamaanka oo xal noqon lahaa, in ay xeerkaas Guurtida dhex dhigaan sidii sharcigu ahaa na, waa ay ka cabsadeen. Dabeeto sidan curfiga iyo sharciga ka baxsan, sidii uu Xildhibaan Guruuje fasiray, ayay ka ga ururtay. “Ciidamadii iyo xabaddii inaka ayaa hayna ee yaa wax inaga qaadi kara” ayaa caqligooda ka buuxda, waxaanay se ogayn nin toori sita iyo mid taangi haysta marka ay dhabaqdo in la is ku garab dhaco uun. Nin weyn tag la ma yidhaahdo ee wax u uku tago ayaa la tusaa – Muuse iyo dhawrka qof ee gar iyo gardarro ba ku la socda warkoodu waa xoog-xoog aynu dheelno.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this