Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Dowladda oo A-shabaab Kala Wareegay Basra iyo Deegaanno Hoostaga

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka dowladda federalka ah Soomaaliya oo taageero ka helaya dadka deegaanka ayaa waxaa ay la wareegeen deegaanka Basra iyo Tuulooyin  hoostaga, kuwaas oo dhaxeeya magaalooyinka Afgooye iyo Bacad oo kala tirsan Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe, kadib markii waabarigii saakay ciidanku ay ku qaadeen howlgallo ballaaran deegaannadaasi.

Ciidamada ayaa la wareegay ilaa dhowr deegaan, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Al-shabaab, inta badan waa ku dhaca jiinka Wabiga Shabeelle, deegaannada ciidanku uu la wareegay ayaa kala ah, 1. Basra 2. Sabyo 3. Baqdaad 4 . Beled Al-kariim 5. Baldooska 6. Alifoow 7. Muryaley 8. Daniga Balow 9. Buula Xansholey, oo hoostaga Basra.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay intii uu howlgalka socday in sidoo kale lagu dilay shan ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, deegananadaan ayaa muhiim u ah isku xirka gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle, waxaana sidoo kale howlgalka lagu bururiyay xarumo ay la haayeen Al-shabaab oo ay maxkamado ku jiraan.

Ujeedka howlgalkaan ayaa waxaa lagu sheegay sidii loo dhaqaajin lahaa mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, taas oo u istaagtay sababao amni, kadib markii cabsi laga muujiyay in Al-shabaab ay weerar ku qaadaan dadka dhismaha wada ee isugu jira Soomaalida iyo Turkida, dhismaha wadada ayaa hadda joogta degmada Balcad.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in howlgallada ay sii socon doonaan, inta laga xoreynayo Al-shabaab dalka,oo qeybo badan oo dalka ah wali ku sugan,  waxaana dhallinyarada ku jira markale dowladdu ugu baaqday in ay isku soo dhibaan ciidanka xoogga dalka sida lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda federalka Soomaaliya.

309489509_499209528912325_25157812196020
309415321_499209502245661_85881142504844
309594027_499209525578992_13178896771531
309615370_499209688912309_71605667792959
309457681_499209518912326_45615666758295
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this