Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno kale oo Al-Shabaab ah oo isku dhiibay NISA xilli ay xoogeysteen dagaallada

Recommended Posts

Deeq A.   

Xudur (Caasimada Online) – Maalmihii tagay waxaa soo badanayey xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee isu soo dhiibaya ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay laba xubnood oo isku dhiibay ciidanka xoogga qeybta 60-aad ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo qeybta 21-aad ee deegananada dowlad goboleedka Galmudug.

Maxamed Xasan Nuur oo ka tirsana kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka Hay’ada Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku sugan degmada Xudur ee xaruunta Gobolka Bakool. 

Maxamed ayaa muddo labo sano ka mid ahaa Al-shabaab, isaga ka qeybqaatay dagaalo  ka dhacay dalka, sida uu u sheegay ciidamada markii la wareystay.

Maxamed ayaa sheegay in ay Ciidanka Nabad Sugida si wanaagsan usoo dhaweyeen isagoo dhallinyarada kale ee ku jira ugu  baaqay inay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda, waxaana isku soo dhiibistiisu kusoo aadaysaa iyadoo gobolka Bokool uu ka billowday howlgal ay wadaan ciidanka dowladda iyo daraawiishta Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Cabdulaahi Cali Xuseen (Cali Qoodaar) oo kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa ayaa iska dhiibay magaalada  Bacadweyne oo ka tirsan gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay jiraan horjoogayaal kala duwan oo doonaya in ay isaga soo baxaan Al-Shabaab oo ay isku soo dhiibaan iyaga, xilli ay sii xoogeysteen dagaallada lagula jiro kooxdan. 

Tan iyo markii ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay blilaabeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada Hiiraan Mudug, Galgaduud iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa soo baxayay xubnaha ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibayay ciidanka xoogga iyaga oo isaga soo baxay Al-Shabaab.

Is-dhiibitaanka xubnaha Al-Shabaab ayaa imanaya ayada oo ay xoogeysteen dagaallada ka dhanka ah koxodan, waxaana u dambeeyey mid maanta ka dhacay deegaanka Ceel Qooxle oo qiyaastii 35 KM dhanka bari kaga beegan deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Qoraal ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo lagu baahiyey bogga wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaas lagu dilay illaa 30 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay daabacday wakaaladdu.

“Ciidamada Xoogga oo garabsanaaya dadka deegaanka ayaa aroornimadii hore ee saaka dagaal kula galay maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab deegaanka Ceel Qooxle ee Gobolka Hiiran. In ka badan 30 ka tirsan maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab ayaa dilay deegaanka Ceel Qooxle” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay wakaaladda wararka SONNA.

The post Xubno kale oo Al-Shabaab ah oo isku dhiibay NISA xilli ay xoogeysteen dagaallada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this