Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ku saabsan Ceelkii Biyaha laga baadhayey ee Shidaalka Wax u eeg loogu tegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Galab wanaagsan. Ilaa xalay asxaab badan oo dalka iyo debeddaba jooga ayaa isoo wacayay qaarkoodna Facebook igu soo xusayeen si ay iiga helaan xog iyo xaqiiqo wixii aan ka hayo ceelbiyoodka Baha dhamal ee dareeraha madoobi ka soo burqaday. Ugu horrayn waan ka Cudur daaranayaa in aanan idiin wada jawaabin sababta oo ah wiigganba xummaddii magaalada ku jirtay baan u jiifay.

Afeef kadib, waxa aan xusi lahaa uun dhawr qodob:

  1. In dalka shidaal ku jiro oo waliba uu gobollo badan ku jiro Waa shaki la’ waxana caddayn u ah:
  • wixii daraasado la soo sameeyay min dawladihii hore ilaa tan u danbaysay ee dhawaan la sameeyay waxa ay muujiyeen natiijooyin togan oo lagu kalsoonaan karo.
  • waxa uu dhulkeennu leeyahay dhagxaanta shidaalku ka dhasho (source rocks), kuwa uu ku kaydsamo (reservoir rocks), kuwa daboolka u ah si aanu u hayaamin (seal or cap rocks) iyo meelaha uu ku dabmo (oil traps).
  • samayska jiyoolajiyeed ee dhulkeenna waxa ay is shabbahaan Amma isku mid yihiinba waddamo innala deris ah oo shidaal laga soo saaray Sida Yemen oo kale.
  • waxa meelo waddanka ah lagu arkaa sayax ama dhidid shidaal (oil seep) oo aynu u naqaanno carro seel.
  • ceelal tijaabo ahaa oo raad fiican loogu tagayna way jireen.
  1. Soo saarista shidaalku waxa ay u baahan tahay dawladnimo adag oo ammaankiisa sugta, shacab bisil iyo Sharci lagu maamulo, sababta oo ah waxa aynnu aragnay wixii ka dhacay dawlado Afrikaan ah oo innaga itaal roonaa Sida Suudaan iyo Nayjeeriya. Innaga dawladeennu ma Kala qaban karto laba jilib oo isku dilay qabaal ban abaar ah yaalla, bulshadeennuna Kuma heshiin karto berked biyo ajo ahi ku jiraan oo naftoodu u baahan tahay. Jufada Faysal oo kaliya ayaan ku heshiin Karin ceel shidaal oo bahadhamal laga qodo (kaftan).
  2. Baahida aynnu xilligan biyo u qabno ayaa ka badan ta aynnu shidaal u qabno. Waa se masalo waqti iyo dawladnimo u baahan uun.
  3. Ugu danbayn, ceelka Baha Dhamal Wa ceel biyood la qoday ilaa 350m ama wax la jira, waxa se Alle ka soo waddacay maaddo madaw oo shidaal qeedhin loo maleeyay. Intii hore waxa ay qodayeen dhagax-niis (sandstone) furfuran oo aan Dusha ka daboolnayn kadibna waxa ay meel dhexe ugu galeen dhagax madaw oo adag oo aan u maleynayo Shale ama dhagax dhoobeed kale oo garaacan (compacted claystone) kaas baa jiri Kara wax astaan shidaal ah, waxa se Isla dhagaxan la qoday ceelka Sallaxley oo aan Bahadhamal ka fogayn iyo ceelka Hunduli oo iyana ka sokeysa. Sidaas darteed, mar haddii aanan arag muunada maaddada madow, ceelkana aanan tagin xog rasmi ahna aan Cid kale ka soo saarin idiin ma sheegi karo war sugan oo cilmi ah. Waynu sugaynaa oo Waa halkii reer Sanaage waynu u kuur galaynaa. Wada socod wanaagsan saaxiibbayaal.

~ Aadan Cadde ~

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this